Ciidamada dowlada oo howlgalo ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolada bay iyo bakool

0
264

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa deegaanka Ceel-Cuni oo hoostaga degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ku dilay Sarkaal sare oo katirsan Alshabab oo lagu magacaabo Maxamuud Nuur Gacal ( Sheekh Al-Sima).

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa taliyihii ugu sareeyay kooxda Al-Shabaab. Wuxuu ahaa mas’uulka ugu sarreeya ee Bay iyo Bakool.

War kasoo baxay taliska ciiddanka milatariga ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay dileen 11 ka tirsan kooxda Alshabaab, kadib howgallo ka dhacay deegaano ka tirsan Baay iyo Bakool.

Taliyaha ciidamada XDS ee qeybta 16-aad ee Danab, Carab Axmed oo howlgalkaasi hogaaminayay ayaa sheegay in sidoo kale taliye katirsan Al-Shabaab lagu soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen agagaarka deegaanka Yaaq-haluul oo qiyaastii 55 KM u jira magaalada Kismaayo.