
Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in safarkiisii ugu horreeyay uu ugu ambabaxo tan iyo markii la doortay 15-ka Bisha May Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Magaalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.
Shalay waxaa Magaalada Baydhabo gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta markii uu tago Magaalada Baydhabo waxaa isaga iyo Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ay xariga ka jari doonaan dib u dhis lagu sameeyay Xarunta Madaxtooyada ee uu ku Shaqeeyo Maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaaa kulamo kala duwan la qaadan doona hogaanka ugu sarreeysa Maamulka Koonfur Galbeed, Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
