Alshabab oo kolonyo itoobiyaan ah ku weerarey deegaano ka tirsan gobolka bakool

0
350

Xubno ka tirsan ciidanka alshabab iyo ciidamada itoobiyaanka ayaa waxaa uu dagaal culus ku dhex marey degaano katirsan Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo Ciidamada Itoobiya oo kusii jeeday degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa xilliga la weerarayay marayay inta u dhaxeeysa deegaanka Garsaaley iyo degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kolonyada Ciidamada Itoobiya ay dagaalka kadib iska sii wateen socdaalkooda, kuwaas oo kusii jeeda degmada Waajid kana yimid dhinaca degmada Xudur ee Gobolkaasi Bakool.