
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bishan ka aamusey inay u cusboonaysiiyaan ruqsada uu hore u siiya Midowga Yurub ee ay ciidamadoodu kula dagaallamaayeen burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya.
Howlgalkan oo soo bilowday sanadkii 2008, ayaa Golaha Ammaanku aysan siin ahmiyad, ayada oo Midowga Yurub muddaba ay xusul duub ugu jireen sidii ay ruqsadda mar kale ku heli lahaayeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u dalbatay in la afjaro howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida , kaas oo soo jiitamayay laga soo bilaabo sanadkii 2008-kii.
