Maamulka koonfur galbeed oo soo saarey jedwalka xildhibaanada dooraan

0
206

Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada 7 kursi oo ahaa kuraasta ugu dambeysa ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayay ku sheegeen in diiwaan gelinta Musharaxiinta kuraastaan ay bilaabaneyso 14-ka bishaan Maarso oo ku beegan Maalinta Isniinta, islamarkaana doorashada 7-da kursi la qaban doono 15-ka bishaan Maarso oo ku beegan maalinta Talaadada ah ee soo socota.