
Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa soo saaray habraaca qabashada doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Kuraasta jadwalka qabashada doorashadooda la shaaciyay ayaa kala ah HOP 038, HOP 069, HOP 095, waxaana kuraastaasi ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odaawaa, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariin Khaliif Dhalac.
