
Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle ayay ku sheegeen in 7-da bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah ee soo socota inay bilaaban doonto diiwaan gelinta Musharaxiinta, islamarkaana maalmaha Talaadada iyo Arbacada oo taariiqdu tahay 8-da ilaa 9-ka bishaan Maarso ay dhici doonto doorashada 11-ka kursi.

.
