Alshabab oo soo weerarey xero ay ciidamada dowlada ka degenaayeen degmada xudur

0
187

Faahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa weerar qorsheysan oo saaka xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen qaybo ka mid ah degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana xigay dagaal culus oo foolka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab iska caabin xoogan ay kala kulantay ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi, kuwaas oo dagaal kula galay halkaasi.

Taliyaha ururka 175-aad, guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka Maxamed Sankuus oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay jab xoogan gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen illaa 3 xubnood, kuwa kalena ay ka dhaawaceen.

Sankuus ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka carartay meydadka saddexda nin, isla-markaana ay kusoo bandhigeen degmada Xudur oo ah meesha uu dagaalku ka dhacay.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.