
Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka digtay in mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya, uu dib u dhac ku imaan doono bisha May, haddii mar kale uu dib u dhac ku yimaado doorashada Soomaaliya.
Sidoo kale, barnaamijka miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad 400 oo milyan oo dollar, oo qayb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay ayaa si toos ah au dhamaanaya haddii ay dhici weydo in dowlad cusub lagusoo dhiso illaa 17ka May.
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, ayaa meesha ka saaray walaaca IMF, wuxuuna yiri, “Waxaan ku kalsoonahay in doorashada lagu soo gabagabeyn doono waqtigeeda si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta maaliyadda.”
Wasiirka maaliyadda wuxuu sheegay in aanay jirin illaa iyo hadda caqabado waaweyn oo ku aaddan buuxinta shuruudaha hay’adda lacagta adduunka ee IMF.
