Afhayeenka ciidamada boliiska oo ka hadley sababta Muudeey loogu diidey in uu u dhoofo magalada baraawe

0
153

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faah faahin guud ka bixiyay sababtii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey loogu diiday in uu tago degmada Baraawe, isaga oo markale u sharraxan kursiga Xildhibaan ee uu ku fadhiyo.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in Cabdiweli Muudeey aan asiga loo diidin in uu aado degmada Baraawe, balse laga hor istaagay Ciidan farabadan iyo hub culus uu u watay Magaalada Baraawe oo ah halka ay doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ka socoto.

Waxa uu sheegay in Amniga degmada Baraawe uu yahay mid sugan oo Ciidankii ugu badnaa ee sugaya amniga lageeyay haatana aysan u baahneyn in Ciidan farabadan lala tago.

Waxa uu Afhayeenka hadalkiisa uu intaasi ku daray in Cabduweli Muudeey loo ogolaaday in uu wato ilaaladiisa gaar ah oo gaaraya ilaa 5 askari maadaama Baraawe amnigeeda si wayn ay u sugayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.