
Madaxweymaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula shiray safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster iyo wafdi ay hogaamineyso oo gaaray magaaladaas.
Shirkaasi ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta Jubbaland Maxamed Cumar Jaamac, wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha, Axmed Xuseen Baraki.
Axmed Madooble ayaa kala hadlay Kate Foster iyo xubnaha kale ee la socday laba arimood oo ku qotomay abaaraha iyo doorashooyinka Soomaaliya.
Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu faah faahiyey kulankan, waxaana lagu sheegay in diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay abaaraha.