
Shir jaraa’id oo uu goordhaw Warbaahinta ugu qabtay gudaha magaalada Muqdisho Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada guud ee dalka, wadahalada u dhaxeeya isaga iyo dowladda Fedaraalka.
Jenaraal Xuud ayaa sheegay in wadahadaladii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo iney wali socdaan, islamarkaana ay gaareen heshiis ku aadan in xal waara laga gaaro tabashada reer Hiiraan, dhameystir keedana uu dhiman yahay.
Isagoo ka hadlaayay mowqiifkiisa ku aadan arinta Kacdoonka Hiiraan ayuu sheegay inuusan waxba iska badalin mowqifkiisa ahaa Kacdoonka iyo raadinta xaquuqda ka maqan shacabka Reer Hiiraan.
Hoggaamiye Abuukar Xuud oo sidoo kale ka hadlaayay ciidamada dhawaan dowlada geysay Baledweyne ee siyaasiyiinta reer Hiiraan walaaca ka muujiyeen ayaa dhankiisa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin ciidamo Soomaaliyeed, hadii Soomaalinimo ay u shaqeyn waayaana in dib looga soo saari doono Baledweyne.