Safiirka cusub ee mareykanka usoo magacowdey somaliya oo maanta muqdisho kasoo degey

0
261

Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Larry Andre ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka oo war kasoo saartay imaanshihii magaalada Muqdisho waxay sheegtay, inuu safiirku aad ugu hamuun qabo in uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Larry Edward André Jr bishii abril ee sannadkii hore u doortay inuu noqdo danjiraha cusub ee Mareykanka u qaabilsanaan doona Soomaaliya.

Safiirka cusub ayaa beddelay Donald Yamamoto, oo ahaa danjiraha Soomaaliya tan iyo November 2018.