
Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalabyo ku aadan doorashooyinka dalka u gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaranka oo shir ay uga arinsanayaan uga socdo magaalada Muqdisho.
Golaha Musharaxiinta ayaa dalbaday in kuraastii horay loo doortay ee lagu murunsan yahay dib loogu laabto dhamaantood, islamarkaana la saxo habraaca iyo hufnaanta doorasho daah furan, lana burburiyo go’aanadii ay horay u gaareen guddiga xalinta khilaafaadka.


