
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xal nabadeed oo nuuc kasta ah iyo heshiis walba oo laga gaaro colaadda magaalada Boosaaso.
Madaxweyne Deni oo xalay shir jaraaid kaga hadlay dagaaladdii Boosaaso ka dhacay, ayaa sheegay inuu ka qoomamaynayo dhibaatada shacabka kasoo gaartay dagaaladdaas, isagoo sheegay in uusan marnaba raalli ka ahayn in dhiig daata wax lagu xalliyo.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay xaaladdu haatan dhaaftay xilligii ay iyagu wax xallin karayeen, wuxuuna ugu baaqay Isimada Puntland iyo cid kastoo oo waxgarad ah oo saamayn leh in ay u istaagaan sidii lagu xallin lahaa colaadda magaalada Boosaaso
Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhegaysto saraakiisha PSF ee ka hor yimid isbedelka uu sameeyay, si buu yiri aan dib loogu laaban wixii horey u dhacay.
