Gudiga doorashooyinka mamulka jubaland oo shaaciyey jedwalka doorashada 6 ka mid ah kuraasta golaha shacabka

0
173

Guddiga doorashada Jubaland ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada 6 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo dooranayo maamulkaas.

Lixdan kursi ayaa ka mid ah 14 kursi oo uu guddigu sheegay inuu doorashado qabanayo 13-kii December, waxayna kala yihiin HOP82, HOP108, HOP113, HOP134, HOP203, HOP217.

Doorashada lixdan kursi ayaa dhaceysa 28-ka December, sida uu guddiga sheegay, ayada oo maanta oo ah 24-ka la billaabayo diiwaan-gelinta iyo shaacinta guddiga xulista ergada, halka musharaxiinta la diiwaan-gelinayo 27-ka.