Midowga musharixiinta oo sheegay inay qaban doonaan shir weyne looga hadli doono xaalada dalka

0
170

Golaha midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in ay qabanaayan shirwayne kulminaya waxgaradka Soomaaliyeed oo looga hadlayo badbaadada dalka sida ay ku sheegeen qoraal rasmi ah oo xalay ay soo saareen.

Midowga musharraxiinta ayaa sheegay inay u caddaatay in dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada aysan wax dan ah ka laheyn doorasho hufan oo daah furan, natiijadeedana la isla aqbalo si dalka loo badbaadiyo.