Ahlusuna oo ka jawaabtey hadal kasoo yeerey generaal Aadan Abshir laba afle

0
161

Madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna oo wareysi siiyey BBC ayaa ka hadlay eedeyntii uu General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) u jeediyey hoggaanka sare ee Ahlu Sunna, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii soo socday.

Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa marka hore beeniyey in Ahlu Sunna Waljamaaca ay diiday wada-hadalladii socday, wuxuuna tilmaamay in mar weliba ay diyaar u yihiin in miiska lagu dhammeeyo tabashada ay qabaan iyo xiisadda haatan ka taagan maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Laba Afle uu ugu goodiyey Ahlu Sunna in la leeynaayo ama ay isaga tagaan degaanka Bohol, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Galmudug aysan diyaar u aheyn in laga wada-hadlo tabashada jira, si xal loogu helo, wuxuuna intaasi ku daray in haatan Ahlu Sunna ay 15 KM u jirto caasimada Dhuusamareeb ee mamaulkaasi

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in hadalka kasoo yeeray General Laba Afle oo ka mid ah saraakiisha Xoogga dalka inuu uga sii darayo xaaladda adag ee haatan ka taagan Galmudug, loona baahan yahay in aan looga sii dirin, si uusan u daadan dhiig dambe.