Magalada dhuusamareeb oo maanta lagu soo gabagabeeyey doorashii aqalka sare

0
145

Waxaa goordhaw si rasmi ah ugu soo gabagaboowday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug doorashada laba kursi oo ka harsaneyd kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, islamarkaana ka dhigeysa in guud ahaan la dhameystiray doorashadii kuraasta Aqalka sare oo ka koobneyd 54 Kursi.

Kursiga koowaad ee doorashadii maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb waxaa ku guuleystay oo markale Senatarka afarta sano ee soo socota noqday Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, kaasoo cod gacan taag ah ay ugu codeeyeen baarlamaanka Galmudug ku helay 83 Cod, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartami lahaa Cawil Nuur Cali.

Kursiga labaad ee maanta doorashadiisa ka dhacday Dhuusamareeb oo ahaa kursiga ugu dambeeyay kuraasta Galmudug iyo guud ahaan kuraasta Aqalka sare waxaa ku guuleystay Cabdi Cismaan Xareed, kaaso asna musharaxii la tartami lahaa uu sheegay inuu tanaasulay, islamar ahaantaana Xildhibaanada Galmudug ugu codeeyeen cod gacan taag ah.

Dooraahada Aqalka sare ee maamulka Galmudug ayaa aheyd mid si weyn uga duwaneyd doorashada maamulada kale ee dalka ay qabteen, waxaana xusid mudan in sideeda kursi ee Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug in dhamaan Musharaxiinta guuleysatay ay ahaayeen kuwa loo tanaasulay oo aanan galin tartan adag.