
Israsaaseyn kooban ayaa waxaa ay Maanta degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose ku dhex-martay Ciidamada Ammaanka degmadaas iyo maleeshiyaa diidan habka loo dhisay Golaha degaanka Magaalada Baraawe.
Israsaaseynta ayaa waxaa ay sigaar ah uga dhacday banaanka Hotelka Nadiir, halkaas oo ay ka socotay doorshada Golaha Degaanka, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday israsaaseynta hal qof halka uu ku dhaawacmay askari ka tirsan Ciidanka Nabadsugida.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay hakatay doorashada Golaha degaanka degmada Baraawe oo shalay bilaabatay kadib israsaaseynta Maanta ka dhacday degmadaas.
Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo aanla xiriirney ayaa inoo sheegey in Goobta ay ka socotay dorashada amnigeeda la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, si looga hortago dagaal markale ka dhaca halkaas.
