Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka oo sheegay carqalada hortaagan in la qabto doorashooyinka

0
112

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in shaqadooda uu saameyn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Maadaama doorashadda ay ku saleysan tahay awood-qeybsi qabiil, ayuu sheegay inay aad u adkaatay in hal mar la qabto, waxuuna u sababaeeyay arintan dib u dhacyada ay la kulmeen.

Shalay ayuu gudiga FEIT warbixin ka siiyay arrimaha doorashooyinka RW Rooble oo xafiiskiisa ugu tageen, waxaana aad loo gorfeeyay qabsoomida doorashadda Aqalka Hoose, oo ah mida ugu dhibaatada badan.

Nidaamka qabiilka wax badan ayuu Soomaaliya dib u dhac u keenay inay dib cagaheeda isagu taagto 30 sano kadib, iyadoo tallaabo kasta oo la qaado ay boqol caqabadooda hor yaallaan.

Cirro ayaa sheegay inay isku dayi doonaan in 50-ka maalin ee soo socda ay ku qabtaan doorashadda 275-ta kursi ee Aqalka Hoose, iyadoo dhawaan la billaabi doono diiwaangelinta ergooyinka soo xuli doono Xildhibaanada.