Sacuudiga oo safiir cusub usoo magacaabay somaliya

0
213

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad usoo magacawday safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud ayaa hab fogaan arag ah u dhaariyay safiirka cusub ee Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.

Xafladda dhaarinta oo kooban ayaa waxaa ka qeybgalay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda, Walid bin Abdul Karim Al-Khuraji iyo Khaled bin Faisal Al-Sahli, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan dowladda.

Ergayga cusub ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaaro caasimadda Muqdisho, waxaana la filayaa in Sacuudi si rasmi ah sannadkan u furto safaaraddii uu ku lahaa Soomaaliya.