Ciidamo ka tirsan alshabab oo weerar kusoo qaaday saldhig ciidamada ku lahaayeen degmada janaale

0
152

Ciidamo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab ayaa weerar ku qaadey Saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Janaalle ee gobolka Sh/hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal aad u xoogan oo la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan uu dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, islamarkaana uu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya waxay sheegeen inay ka hortageen weerarka kaga yimid dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen oo ay dagaalka ku dileen laba kamid ah Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, sidoo kalana hub u badan qoryaha AK47 ay ka furteen.