Midowga musharixiinta oo warsaxaafadeed kasoo saaray dhacdadii laascaanood

0
153

Golaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya ayaa maanta muujiyay inay aad uga xun yahay baracinta lagu sameeyay dadka Soomaaliyeed ee laga soo raafay magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeed ay soo saareen golaha musharraxiintu waxay ugu baaqeen culimada, odayada dhaqanka, aqoonyahanka, indheergaradka iyo waxgaradka ka soo jeeda Somaliland in ay hor istaagaan falkaas dhaawacaya walaalnimada dadka Soomaaliyeed.