
Jaaliyada digil iyo mirifle ee qaarada north america ayaa si adag uga hadley falkii guracnaa ee lagula kacay shacabka kasoo digil iyo mirifle ee ku dhaqnaa magalada laascaanood ee maamulka ku dhisan caatifada iyo xumaanta ee somaliland.
Waxgaradka jaaliyada digil iyo mirifle oo runtii aad uga danqadey falkaas guracan ayaa isku howley sidii ay wax uga ogaan lahaayeen sida ay wax u dhiceen iyo inta ay la egtahay tirada dadka laga soo musaafuriyey magalada laascaanood,
Waxgaradkan ayaa shaley gelinkii hore ilaa iyo waqti dambe ee xalay waxaa ay si toos ah ula socdeen xaaladaha kala duwan ee ay marayeen dadka masaakiinta ah ee laga soo tarxiiley magalada laascaanood ilaa ay markii dambe ka yimaadaan deegaanada maamulka puntland, tirada guud dadka lasoo musaafuriyey ayaa lagu sheegey in ka badan 1200 oo qof oo isugu jira caruur, haween iyo dhalinyaro.
Ugu Horeyntii waxaa ay cambaareeyeen maamulka somaliland waxaana ay kaga digeen in ay ka fiirsadaan falalka ku dhisan caatifada iyo xumaanta ee ay kula kacayaan shacabka masaakiinta ee aan waxba galabsan, waxaana ay si cad ugu sheegeen in falkaasi fal la mid ah lagula kici karo shacabka masaakiinta ee kasoo jeeda somaliland ee usoo shaqo tegey muqdisho iyo deegaanada koonfur galbeed.
Waxaana ay ugu baaqeen maamulka somaliland in ay ilaaliyaan hantida dadka ganacsatada ah ee ay kasoo musaafuriyeen magaaladaasi haddii hantidaasi lunto ama ay dhib soo gaartana jawaab taas lamid ah ay la kulmi doonaan shacabka kasoo jeeda somaliland ee ka ganacsada somaliya.
Waxaa kaloo ay sidaasi si la mid ah baaq dhaliil ah u direen siyaasiyiinta digil iyo mirifle hadey noqon laheyd heer federaaal ama heer maamul goboleed wexey u sheegeen in ay meel weyn uga dheceen sharafta iyo karaamada shacabka digil iyo mirifle waxa dhacayana ay ayaga masuul ka yihiin wexeyna ugu baaqeen inay u istaagaan kana hadlaan dhibaatooyinka loo geysto shacabka digil iyo mirifle hadii aysan awoodina umada ay ka hor leexdaan.
Si kastaba arintu ha ahaatee marka aad eegto sida ay wax u dhacayaan ama qaabka loola dhaqmo shacabka digil iyo mirifle waxaad moodaa in aysan somali aheyn oo ayaga iyo itoobiyaanka marka ay kulmaan itoobiyaanka uuba soo dhaweyn wanaagsan ka helo somalida kale, Dhawaan eyey eheyn in kolkii dad masaakiin ah lagu laayey magalada gaalkacyo iyo dhuusamareeb shaleytana waxaa falalkaasi mid ka xun uu ka dhacay magalada laascaanood hadana marka aad eegto dhamaan deegaanadaas waxaa si nabad ah ugu nool carab kasoo carartey dalalkooda iyo itoobaan.
Isku soo wada duub dhamaan waxa dhacaya ee aad arkeysaan waxaa ka masuul ah hogaan la,aanta heysata shacabka digil iyo mirifle hadey noqon laheyn dhanka siyaasada, dhanka dhaqanka, dhanka culumaau’diinka run ahaantiina hadii aysan si dhaqso ah wax uga qaban ama aysan shacabka ayaga u istaagin danahooda waxaa hubaal ah in magacaas iyo afka maayga wax ku hadlo la waayo sida ay hadaba sameeyaan qaar badan umadeey isuku tashada danihiina u istaaga waxaadna ogaataan in uusan jirin siyaasi idiin maqan.
