Wakiilka qaramada midoobey ee somaliya oo maamul goboleedyada ugu baaqey inay soo dhameystiraan doorashooyinka aqalka sare

0
133

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Maamul Goboleedyada ugu baaqay inay si degdeg ah u soo dhameystiraan, una qabtaan doorashada kuraasta ka harsan Golaha Aqalka Sare.

Wakiilka oo shalay Warbaahinta kula hadlayay Xerada Afisyooni, intii ay ka socotay Doorashada Senatorada Gobolada Waqooyi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la guda galo wejiga 2aad ee Doorashooyinka Qaranka.

James Swan ayaa yiri “Waxaa muhiim ah in hadda Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba ay diiradda saaraan wejiga 2aad ee Doorashooyinka Federaalka, lana bilaabo u diyaargarowga Doorashada Golaha Shacabka, si waqtigii loogu talagalay iyo si waafaqsan heshiiskii 27-kii May loogu soo dhameystiro Doorashooyinka Qaranka, una noqdaan kuwo lagu wada kalsoonaan karo.”

Isagoo hadalkiisa sii xoojinaya ayuu yiri “Waxaan rabaa inaan ku nuuxnuuxsado in tasiilaadkii loo baahnaa oo dhan la wada heli karayo, iyadoo laga helayo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, lacagihii laga qaaday musharaxiinta iyo kaalmada Dowladda Federaalka.”