
Howlgalo dad aad u badan lagu soo qabqabtey ayaa Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya waxaa ay ka sameeyeen xaafadaha Degmada luuq ee gobolka Gedo.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in u jeedkooda uu ahaa sugida Amniga degmada iyo degaannada hoostaga, si looga hortaggo inay falal amni darro dhacaan.
Ciidamada Mabadsugida Soomaaliya oo qaarkood watay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgalka oo ahaa mid guri guri ah ka sameeyay Xaafadaha degmada luuq, waxaana uu ka dambeeyay kadib markii weerar bambaano lagu qaaday Garoonka diyaaradaha degmada luuq ee Gobolka Gedo.
Taliyaha Hay’adda Nabadsugida degmada luuq Xasan Aadan Xilkeey ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay ku dhawaad 100 ruux ,isla markaana ay wadaan baaritaano lagu kala saarayo dadkaas.