
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hanjabaadaha argigixiso ee ka imaanaya wadamada Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq gaar ahaan ISIS- ay ka khatar badan yihiin kuwa laga yaabo inay ka soo baxaan dalka Afgaanistaan.
Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Maraykanka Avril Haine, ayaa hadalkaan ka sheegtay, iyadoo ka hadlaysay shir sannadeedka saraakiisha sirdoonka iyo Amniga Qaranka.
20 sano ka dib weeraradii argagixiso ee Sebtember 11, 2001, Haines waxay sheegtay in ay hanjabaadda ka imaaneya kooxaha argagixisada caalamiga ah ay si weyn hoos ugu dhaceen.
Agaasimaha sirdoonka Maraykanka waxay sheegtay in dadaal aad u weyn oo ka socda Mareykanka uu keenay in aad loo yareeyo awoodda ay kooxaha Alqaacida iyo ISIS weeraro uga geystaan gudaha Mareykanka.