Jaaliyada koonfur galbeed ee waqooyiga ameerica oo taageerey reysulwasaare rooble

0
190

Kulan ay habeenkii xaley isugu yimaadeen waxgaradka iyo aqoonyahanada jaaliyada koonfur galbeed ee waqooyiga ameerica ayaa waxaa ay taageero ugu muujiyeen reysulwasaaraha xukuumada federalaka somlaiya Maxamed Xuseen Rooble.

Waxgaradkii kulankaasi isugu yimid ayaa waxaa ay dhaliil usoo jeediyeen gudoomiyaha baarlamaaka dowlada federaalka somaliya Maxamed Mursal waxaana ay sheegeen in uu gabey howshii loo idmadey oo eheyn in uu udub dhexaad ka noqdo siyaasada dalka ila markaana ilaliyo heykalka dowladnimo.

Xaaji Macow Maxamed oo ka tirsanaa odayaashii kulankaasi kasoo qeyb galey ayaa gudoomiyaha baarlamaanka ugu baaqey in howshisa uu u guto sida waafaqsan dastuurka federaalka somaliya isla markaana uu isla ilaaliyo u adeegida shaqsi.

Sidoo kale waxaaisna meesha ka hadley Farxiya Xasan waxaana ay reysulwasaaraha ku amaantey sida hufnaanta leh ee uu ugu istaagey in Ikraan ay hesho cadaad islamarkaana sharciga la horjeeno dadkii ka dambeeyey dilkeeda, Farxiyo ayaa sidoo kale waxaa ay reysulwasaaraha ugu baaqdey in shaqsi kasta oo cadaalad daro dalka ugu xiran inuu cadaalad u raadiyo.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa baaq dheer ay jaaliyada u direen gudoomiyaha baarlamaan iyaga oo ugu baaqay in uu ilaaliyo karaamada somalinimo iyo weliba karaamada dadka uu magacooda meesha ku fadhiyo wexeyna uga digeen in uu dadnimo xumo iyo karaamo xumo usoo jiido shacabka koonfur galbeed ee uu magacooda meesha ku fadhiyo.