Gudoomiye Mursal oo siyaasad qar iska tuur ah mar walba lasoo shir taga

0
66

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee waqtigooda dhamaadey Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku biiray dadaallada looga hortagayo in Ikraan Tahliil Faarax ay hesho cadaalad, taasi oo uu ka shaqeynayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Mursal, oo amarka ka qaata Farmaajo, horena ugu gacan siiyey muddo kororsigii fashilmay ee dhaliyey dagaalka, ayaa xiligan door ka qaadanaya daminta kiiska Ikraan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sidoo kale, Mursal ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo Golihii Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhamaaday lagu soo nooleeynayo, si loo carqaladeeyo dadaalka Ra’iisul Wasaaraha, laguna hor istaago cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo Qoyskeeda.

Mursal ayaa Khamiistii ka horyimid dhaarintii Wasiirka cusub ee amniga, taasi oo uu hore u diiday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, waxayna marag ma doon cad u noqoneysa in Mursal oo markale dhinaca saaray saaxiibkii Farmaajo.

Maxamed Mursal oo horey ugu guuldareystey cadaalad u helida alaha u naxariistee wasiir Siraaji iyo Mukhtaar Roobow, Maxamed mursal ayaa hada ah hubka keliya ee uu isticmaalo Maxamed Cabdullahi Farmaajo isagoo mar walibana loogu abaal gudo abaal daro.