Waanwaanta ay wadaan Qoor qoor iyo Lafta gareen ma tahay mid wax fiican kasoo bixi doonaan

0
86

Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegaya in uu weli halkiisa kasii socdo.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa labada dhinac ku qanciyey inaysan qaadin tallaabo kale oo xiisadda uga sii dari karta isla markaasna waxayna labada dhinac soo gudbiyeen tabashada ay qabaan.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qoor Qoor iyo Laftagareen u sheegay inuu kaliya ku qanci karo in xilka lagu wareejiyo Bashiir Goobe oo uu u magacaabay Agaasimaha Hey’adda NISA iyo in kiiska Ikraan Tahliil cadaaladda la hor geeyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dooday in Rooble uu burburinayo heykalka dowladnimo, wuxuuna sheegay in Rooble ay u suurta gashay wixii uu rabay ee ahaa in Fahad laga qaado xilka hadda wixii ka dambeeyana uusan garaneyn ujeedada Rooble, wuxuuna sheegay in Kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hey’adaha cadaaladda.

Su’aalaha ay inta badan dadka is weydiinayaan ayaa ah qoor qoor iyo lafta gareen ma yihiin kuwa hadii uu madaxweyne farmaajo qaldan yahay u sheegi kara qaladkiisa maadama ay yihiin kooxo isku xulufeysanaya siyaasada dalka.