Gudiga doorashooyinka maamulka hirshabele oo shaaciyey jadwalka doorashooyinka

0
141

Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray jadwalka doorashada xubnaha Aqalka sare ee ku matalaya Hirshabeelle Baarlamaanka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyay in diiwaangelinta Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka sare maanta oo Khamiis ah ay bilaabaneyso kuna egtahay maalinta Sabtiga ah maadama la sheegay in Musharaxiinta ay aad u badan yihiin.