Golaha musharixiinta oo kasoo horjeestey habraaca doorashooyinka

0
205

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay shaley soo saareen waxay kagasoo horjeesteen go’aanadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee doorashada looga hadlayay.

Golaha midowga musharraxiinta waxay diideen hab-raaca doorashada Xildhibaannada aqalka hoose, waxayna ku tilmaameen inuu baalmarsan yahay heshiisyadii arrimaha doorashooyinka ee horay loo galay, kuwaas oo dhigayay in doorashooyinka ay ku dhacaan si xor iyo xalaal ah.

Golaha musharraxiinta waxay ka digeen hab-raaca doorashada inuu horseedi doono colaad sokeeye iyo in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka aamin baxaan natiijada doorashada.