
Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed iyo siyaasiyiin dhowr ahaa oo dhawaan tagay Baledweyne ay ku jiraan xaalad go’doon ah.
Hadalka Xildhibaan Goodax Barre ayaa imaanaya iyadoo xalay qalalaaso xoogan ay ka dhaceen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku saabsan ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la wareegay xarumaha maamulka gobolka Hiiraan.
Xaalada Baledweyne ayaa xalay aheyd mid aad u kacsan waxaana ilaa saqdii dhexe ee xalay magaalada lagu dhex arkaayay boqolaal dad weyne ah oo isugu baxay banaanbaxyo looga soo horjeedo Hirshabeelle laguna taageerayo ciidamada la baxay Badbaado Hiiraan ee ka horyimid imaashaha Cali Guudlaawe ee lagu waday in maanta si xoog ah looga dajiyo magaalada Baledweyne.
