Midowga musharixiinta oo dalbadey inay ka qeyb galaan kulanka reysulwasaraha iyo maamul goboleedyada

0
132

Midowga musharraxiinta madaxweynaha ayaa ugu baaqay raysal wasaare Rooble inuu ka qeyb galiyo kulanka 19ka bishaan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ay ku kulmayaan raysal wasaaraha iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Baaqaan ayaa qeyb ka ah qodobadii kasoo baxay shirkii saddexdii maalin ee ugu dambeysay musharraxiinta uga socday magaalada Muqdisho, iyagoo dalbaday in doorashada aqalka hoose laga ilaaliyo faro galinta dowladda.