
Warbixin ay soo saaretey Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku sheegtey in uu sii kordheyso tirada dadka uu soo ridanayo cudurka covid 19 24-kii saac ee ugu dambaysay.
Warbixinta ay soo saartey wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in xanuunka laga baaray 1,244 oo qof, waxaana laga helay 77 ka mid ah.
Dadkan laga helay xanuunka ayaa kala jooga Banaadir 43, Puntland 28 iyo Somaliland oo laga diiwaan geliyey 6-kiis.
40 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa Rag, halka 37 ay dumar yihiin, sidoo kale 30 qof ayaa 24-kii saac ee u dambeysay ka soo bogsatay cudurka, halka 3-qofna ay ugu geeriyoodeen gobolka Banaadir.
