Golaha musharixiinta oo kulan la qaatey gudiga doorashooyinka dadban

0
215

Golaha midowga musharraxiinta ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal, waxayna labada dhinac ay ka wada-hadleen qabsoomida arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulankan oo saacado qaatay ayaa waxaa goobjoog ahaa Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) guddoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo inta badan xubnaha midowga musharraxiinta, sida Xasan Sheekh Maxamuud, C/qaadir Cosoble & Xasan Cali Khayre.

Inta uu kulanka socday ayey labada dhinac ku kala warbixino qaateen, iyaga oo is dhaafsaday howlaha socda iyo kaalinta bannaan ee u baahan in la buuxiyo.

Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho guud oo lagu kalsoon yahay, isla-markaana u dhacda si cadaalad ah.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa dhankooda waxa ay ballan-qaadeen inay gacan weyn ka geysan doonaan sidii ay doorashada u noqon laheyd mid u dhacda xor iyo xalaal.