Xukuumada oo ka hadashay qaraxii ka dhacay magalada muqdisho

0
143

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho ayay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof halka tobaneeyo kalena ay ku dhawacmeen, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta lagu canbaareeyay weerarkan oo ay dowladdu ku eedeysay in ay ka danbeeyeen Al-Shabaab.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay qof walxaha qarxa isku soo xiray oo beegsaday maqaayadda ku taalla isgoyska Jubba oo ay dad badani ku fiidsanayeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay baahisay wakaaladda wararka SONNA ee dowladda u faafisa ayuu Ra’isul Wasaaruhu ku yiri ”Waxaan cambaareynayaa qaraxii a Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.”

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen saraakiil, Askar & Shaqaalo ka tirsan dowladda Soomaaliya wallow dadka ku dhintay qaraxaas ay ku jiraan dad badan oo Shacab ah.