Gudoomiyaha cusub ee degmada walaweyn oo sharcii kasoo saarey isbaarooyinka

0
150

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Dagmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ismaaciil Abuukar Maxamed ayaa waxa uu soo saaray Wareegtooyin, kuwaas oo looga hadlayo ammaanka degmada & qadista Canshuuraha.

Warsaxaafadedyo kasoo baxay Xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa lagu mamnuucay in Isbaarooyin la dhigan degaanka Warbaxan ilaa tuulada leego, sidoo kalena aan lagu qaadan karin hubka sharci darrada ah, balse kaliya hubka loo ogol yahay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Walanweyn ayaa qoralkiisa waxaa uu ku sheegay in lacag sharci darro ah aan laga qaadi n Karin bulshada degmada Walanwen oo uu sheegay inay u soo gudbiyeen cabashooyin kala duwan.