
Dowladda Soomaaliyaa ayaa si faahfaahsan uga hadashay wararka sheegaya inuu si weyn u sii xumaaday xiriirka Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya dowladda Jabuuti.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo arinkaasi wax laga weydiiyay ayaa sheegay ineysan waxba ka jirin wararkaasi la faafiyay ee ah inuusan wanaagsaneen xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Ugu dambeyntii hadalka wasiirka arrimaha dibadda ayaa imaanaya, iyadoo sida la wada ogyahay dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti hawada isku mariyeen dhaliilo xoogan oo saameyn ku yeelan karay xiriirka Diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.
