Dagaal ka dhacay degmada buurdhuubo ee gobolka gedo

0
324

Wararka dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Xalay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Wararka laga helayo degmadaasi ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid kadib markii weerar ku qaadeen dhaqdhaqaaqa Shabaab gudaha degmada Buurdhuubo kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa sheegay iney iska difaaceen weerarka kaga yimid dagaalyahanada Shabaab, isla markaana aaysan jirin wax khasaare ah oo dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

Majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka Xalay ka dhacay gudaha degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, waxaana saaka xaafadaha degmadaasi lagu arkayaa ciidamada dowladda oo howlgalo sameynaya.