Midowga musharixiinta oo soo dhaweeyey heshiiska laga gaarey arimaha doorashooyinka

0
167

Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday iney soo dhaweynayaan heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyin dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in dadaal badan lagu bixiyay sidii looga hortagi lahaa fowdo, khalalaase amni daro iyo xaalad kalitalisnimo oo uu dalka gali lahaa.

Ugu dambeyntii kulanka Midowga Musharaxiinta ayaa imaanaya iyadoo Khamiistii lasoo dhaafay la shaaciyay in heshiis rasmi ah laga gaaray caqabadahii hortaagnaa doorashada dalka, islamarkaana la shaaciyay in muddo 60 cisho gudahood ah aay dalka uga dhici doonto doorasho wadar ogol ah.