
Wefdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dowlada federaalka somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa ee caasimadda dalka Koongo halkaas oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay.
Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxa Garoonka Caalamiga ah ee Injiili ee dalka Koongo kusoo dhaweeyey Madaxda Dalkaas oo muujinayey mudnaanta ay siinayaan kobcinta xiriirka labo geesoodka ah Soomaaliya iyo Koongo.
War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Safarka Madaxweynaha uu ku qotoma kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.
Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin Koongo waxa ay kulan la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.