
Ciidamada ka amar qaata hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed ayaa waxaa ay xabsiga dhigeen Ex Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Xasan Black) oo ka tirsanaa Baarlamaankii 1aad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Xasan Black ayaa Ciidamada Booliska kala deggey gaari uu la socday sabtidii, mar uu marayay inta u dhaxeyso Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud iyo Saldhigga Dhexe ee Baydhabo, isaga oo kusii jeeday Hoygiisa oo ku yaal Magaalada Baydhabo.
Laamaha Amniga & mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed weli wax faah fahin ah kama bixin sababaha loo xiray Ex Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Xasan Black), hayeeshee waxaa xusid mudan in maalmihii la soo dhaafray uu dhaliilayay siyaasadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Xariga xasan black ayaa waxaa uu salka ku hayaa in dhowr jeer uu magalada muqdisho kaga qeyb galay kana hadley kulamo looga hadlayey tacdiyaadkii ka dhacay magalada baydhaba xiligii doorashada iyo weliba xariga mukhtaar roobow taasi ayaana loo aaneynayaa in xaragan uu ku kasbadey.
