Ururada beesha caalamka oo sheegay inay ixtiraamayaan madaxbananida somaliya

0
269

Qoraal ay wadajir u soo saareen Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Africa ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la xaq dhowro madaxbannaanida dhulleed ee Soomaaliya.

Qoraalkooda ayey ku sheegeen in ay ixtiraam u hayaan madax bannaanida dhuleed, midnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana ay uga baaqeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay isku tanaasulaan.

Laakiin qoraalkooda ayaa looga digay dowladda dhexe kororsi loo sameeyo muddo xileedkii hore ee dowladda, doorasho hal dhinac ah iyo mid barbar socota.