Dhinacyada isku haya siyaasada dalka oo ay beesha caalamka ku cadaadineyso in kulamada ay sii socdaan

0
204

Kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in uu fashilmay shirkii toddobadyadii ugu danbeeyay ka soconayay teendhada Afisiyooni ee wadatsihiga heerka Qaran ee doorashooynka dalka, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya cadaadis mar kale hoggaanka dalka lagu saarayo in ay dib isugu soo laabtaan lana sii wado wada hadallada doorashada.

Beesha caalamka oo kaalin muuqata oo mug leh ka qaadanaya sidii madaxda Soomaalida leysugu soo dhaweyn lahaa ayaa mar kale wadda dadaallo dib loogu bilaabayo wada hadallada dhinacyada Soomaalida ee doorashada,

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhankiisa warbaahinta u sheegay in ay wali diyaar u yihiin sii socoshada wada hadallada, balse dowladda rabto in ay fashiliso shirka, isaga oo ku eedeeyay in ay sii deysay warar aan jirin.

Dowladda Federaalku dhankeeda waxaa ay sheegtay in ay dadaal kasta ku biixsay sidii ay wada hadalladu u miro dhali lahaayeen laakiin mar walba madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland u muuqdeen kuwo xagal daacinaya wax kasta oo keeni kara isfaham iyo heshiis buuxa oo la gaaro.