Midowga musharixiinta oo farmaajo ku eedeeyey fashilka shirka afisiyooni

0
177

Qoraal ka soo baxay midowga Musharixiinta ayaa looga hadlay war ku saabsan in uu fashilmay shirkii Afisiyooni maalmihii ugu danbeeyay uga socday madaxda Soomaalida, iyaga oo ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu isagu leeyahay mas’uuliyada fashilka shirka.

Qoraalka ayeey sidoo kale ku sheegeen in muddo dheerba Farmaajo uu caqabad ku soo ahaa doorashada, ku talagalkiisuna ahaa lagu kala taggo kulanka ay garwadeenka ka aheyn beesha caalamka.