
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xirtay dacwaddii loo haystay Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, kaasoo dhowaan heshiis nabadeed la galay dowladda.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud oo soo saaray go’aanka lagu xiray kiiska dacwadda Janan ayaa u cuskaday Danta guud ee caddaalada laga leeyahay.
Maxkamadda gobolka Banaadir oo Janan dacwaddiisu iyo amar soo qabashadiisu ay taalay, ayaa aqbashay go’aanka lagu xiray kiiskaas.



