Madaxweynihii hore ee somaliya Xasan sheekh oo ka hadley xaalada uu dalku ku jiro

0
128

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in 19-kii Febraayo la qorsheeyey in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo weysigaan oo dhinacyo badan taabanaya siiyey KNN ayaa si qota dheer uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka, isagoo dhaliisha ugu badan dusha ka saaray madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay bahdishay ciidanka Qaranka oo kalsoonidii shacabka ay ka sii lumineyso, wiilasha hoggaamiyana aysan kala garaneyn waxa sharciga ah iyo waxa aan sharciga aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in sanadkii 2018-kii ay la kulmeen Farmaajo, iyagoo ka dalbaday in aan la siyaasadeyn ciidanka Qaranka, balse taas uusan dheg jalaq u siin, sida uu sheegay.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dadka loo adeegsaday ciidamada Qaranka ee loo diray inay soo dilaan uu isagu ka mid ahaa.

“Dadka lagu dulmiyey ciidanka ee lagu amray inay soo dilaan ayaan ka mid ahay, waa joogaan saraakiishii, maalin ayaa la gaari doonaa la isla xisaabtami doono, ka fiirsada ayaan leenahay amarada la idiin siinayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.