
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dib u bilaabi doonto bixinta Baasaboorka, oo muddo aan la bixin sababo la xiriira cudurka Coranavirus oo dalka ku soo laba kacleeyay.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelisay in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay 4 April, 2021, dib loo billaabi doono howlihii bixinta Baasaboorka.

